Ka Qeyb Qaado2019-03-12T16:11:52-05:00

Ka Qeyb Qaado

Waxaa jira fursado fara badan oo aad kaga qeyb qaadan kartaan xarunta.

Codso barnaamij kuu gaar ah.

Ma daneyneysaa in aad bilowdo barnaamijkuu gaar ah ee Mashruuca Warbaahinta ee Southside? Wax yar nooga sheeg waxyaabaha aad jeceshahay in aad sameyso.

Buuxi arjiga halkan

Ku biir gudiga mutadawiciinta.

Waxa aad naga caawin kartaa qaab u sameynta KSMP adiga oo ka mid noqda mid ka mid ah gudiyadeena.

Gudigani waxa ay bilaabayaan nidaamka abuuritaanka/habka ogolaashaha, dib u eegista iyo go’aan ka gaarista codsiyada barnaamijyada.  Marka ay hawshan dhamaato, kooxdani waxa ay mas’uul ka noqoneysaa doorashada barnaamijyada cusub ee hawada ka baxay, sida loo habeynayo jadwalka barnaamijyada (xilliga iyo saacadaha ay baxayaan barnaamijyada), iyo sida loo qiimeynayo barnaamijyada marka dib loo cusbooneysiinayo (imisa jeer, iyo waxyaabaha lagu qiimeynayo, iwm).
Gudigani waxa uu u xil saaran yahay dhaqaalaha iyo sidii loo caawin lahaa xarunta.  Waxa ay u xilsaaran yihiin yaboohidda, talo ka bixinta goobaha laga heli karo dhaqaale, iyo la xiriir deeq bixiyayaasha.  Waxa kale oo ay la shaqeynayaan Gudiga Ka Qeyb Gelinta Bulshada si ay uga caawiyaan qorsheynta iyo arrimaha la xiriira xafladaha lacag ururinta.   Tani waa shaqada ugu muhiimsan ee xarunta ka caawineysa in ay sii shaqeyso oo kobocdo.
Gudigani waxa uu u xil saaran yahay inuu la xiriiro xaafadaha Southside.  Waa maxay baahida bulshada, sideese xarunta idaacadani wax uga qaban kartaa baahidaas?  Waa ayo bulshada Koonfurta Minneapolis ee aan la socon maxayse ku dhacday? Waa maxay shaqada muhimka ah ee la qabtay sidee ayaanse ku horumarin karnaa?  Waxaa intaa dheer, in ay jiraan xaflado la qorsheynayo, shaarar xayeysiis ah, iyo albaabo badan oo la garaacayo.
Qeyb muhim oo ka mid ah idaacadda waa dhisitaanka nidaam xoog badan oo lagu soo ururiyo, lagu sameeyo cilmi baaris ka dibna loo soo gudbiyo waxyaabaha la xiriira bulshada kala duwan ee ku nool Koonfurta Minneapolis.  Gudigani waxa uu u xil saaran yahay sameynta nidaamka iyo hirgelintiisa.  Waxa ay u xilsaaran yihiin qoritaanka xeerarka iyo habka tayada iyaga oo bixin doona tabaro la xiriira saxaafadda ee xubnaha ka tirsan bulshada.

Xiriirka Guddiyada

Tani waa gudiga u xilsaaran xaqiijinta in wax walba si haboon u socdaan.  Waxa ay nagala talinayaan sida ay uga faa”ideysan lahayeen qalabka iyo barnaamijyada.  Waxa ay ka talo bixinayaan ciladaha xagga farsamada ah marka ay wax shaqeyn wayaan (iyada oo ay wax dabiici ah in qalabka cilad gasho!) Waxa kale oo ay talo ka bixinayaan dayactirka iyo bedelidda qalabka.
Gudigani waxa uu ka caawinayaa idaacadda in bulshada si laab furan loogu soo bandhigo sida ay wax u socdaan, sida su’aalaha go’aan looga gaaro iyo sida dhibaatooyinka loo xaliyo.   Gudiga maamulku waxa ay qorayaan oo ay ka talo bixinayaan sharciyada maamulka, iyo sidoo kale hawlgalka iyo hadafka idaacadda.
Gudigani waxa ay gacan ka geysanayaan qoritaanka manhajka tababarka, iyaga oo gacan saar la yeelanaya bulshada una abuuraya fursado cusub oo tababar (dugsiyada warbaahinta iyo saxaafadda, tusaale ahaan), qorashada iyo qimeynta tababarayaal, iyo iyaga oo ra’yigooda ka soo ururiya ka qeyb galayaasha si ay u xaqiijiyaan in bulshada loo qabanayo waxa ay jecel yihiin fasaladaasna ay u baahan yihiin.

Is qor

    Magacaaga (waa lagaa doonayaa)

    Iimeylkaaga (waa lagaa doonayaa)

    Dooro Guddiga a (baahan yahay)

    Tababaro lacag la’aan ah

    Waxaanu bixineynaa dhawr tababar oo lacag la’aan ah bil kasta.   Kaalay oo baro waxyaabaha aad dooneyso in aad ogaato si aad u barato barnaamij kuu gaar ah.

    Isku qor mid ka mid ah tababaradeena lacag la’aanta ah

    Oo dhan tababarro

    Is qor

    liiska iimeylkeena

    Is qor liiska iimeylkeena si aad ula socoto dhacdooyinka soo socda, iyo fursadaha tababarada ee mutadawiciinta.

      Magacaaga (waa lagaa doonayaa)

      Iimeylkaaga (waa lagaa doonayaa)

      Telefoon Lambarkaaga (waa lagaa doonayaa)

      Waxa aad ogolaatay in aan kuu soo dirno fariimaha aanu kugula socodsiineyno dhacdooyinka, tababarada iyo fursadaha mutadawacnimo.

      Waan OgolahayMa Ogoli

      DEEQDO